Wasiir Dubbe oo Loo Doortay Senatar Aqalka Sare

HomeWararka

Wasiir Dubbe oo Loo Doortay Senatar Aqalka Sare

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa loo doortay mid kamid ah kuraasta Senatarada Aqalka Sare ee maanta dooras

XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
WASIIRKI HORE AMNIGA JUBBALAND CABDIRASHIID JANAN OO DOOLOW LAGU SOO DHAWEYEEY (Sawiro)

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa loo doortay mid kamid ah kuraasta Senatarada Aqalka Sare ee maanta doorashadiisu ka dhacday magaalada Muqdisho.

Cusmaan Dubbe ayaa waxa uu helay codad gaaraya 28 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Cabdikariin Maxamed Xasan uu kahelay codad gaaraya 17 cod halka uu hal cod uu xumaaday.

Dhinaca kale waxaa Kursiga Shanaad ku guuleysatay Leylo Axmed Ismaaciil kadib markii uu u tanaasulay musharaxii kursiga kula qornaa oo ahaa Maxamed Maxamuud.

leylo Axmed Ismaaciil ayaa cod gacan taag ah ku guuleesatay, waxaana ay heshay 39 Cod halka 6 kalana ay ka aamuseen.

Proff Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Proff Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horeysay ka mid noqday senatarada Aqalka Sare ee maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: