Rooble: “Waa in si dhaqso ah loo bilaabo wajiga labaad ee doorashada”

Rooble: “Waa in si dhaqso ah loo bilaabo wajiga labaad ee doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay Guddiyada qodobbo dhowr ay ka mid yihiin:

• Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
• Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30%
• Dhaqaalaha ku baxaya doorashada
• Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada iyo hufnaanteeda.

Dhawaan ayaa waxaa ay Golaha Madasha Qaran soo saareen habraaca doorashada hase yeeshee waxaa qodobada qaarkood ka soo horjeestay Midowga Musharaxiinta doorashada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com