Galmudug  &  Guulaha ay ka gaartay  dagaalka Al-shabaab

HomeWararka

Galmudug & Guulaha ay ka gaartay dagaalka Al-shabaab

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guul laga soo hoyay, isla markaana Ciidamada Ammaanka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa gulu

Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Bosaaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Doorka haweenka ku leeyihiin hannaanka siyaasadda doorashada 2019 oo laga hadlay (dhegayso)

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guul laga soo hoyay, isla markaana Ciidamada Ammaanka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa guluf dagaal ku qaadeen Al-Shabaab, iyagoo ka saaray deegaano iyo tuulooyin dhowr ah.

“Howlgallada ayaa ahaa kuwo guul lagu gaaray si aan uga xoreynay Al-Shabaab Saldhigyo muhiim ah, 20-kii Bishaan Luulyo duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday koonfurta gobolka mudug halkaas oo ay iskaga kaashadeen ciidamada XDS, ciidamada Kumaandooska ee Danab iyadoo ciidamada Galmudug ay hadda dagaal kula jiraan Al-shabaab, waxaana Ujeedada duqeynta ay aheyd in la ilaaliyo ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah oo ku wajahan cadawga weeraradana si guul leh ayaa loo qabtay maadaama aysan waxyeelo soo gaartay dad rayid ah ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka Galmudug.

In ka badan laba todobaad ayaa howlgallo iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah & Al-Shabaab waxaa ay ka socdeen Koonfurta Gobolka Mudug, waxana la sheegay in lala wareegay degaano dhowr ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0