HOWLGALO KASOCDA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE

HomeWararka

HOWLGALO KASOCDA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE

Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka

Dhalinyaro ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda
Taliyaha Ciidanka Booliska: “Ciidanka Xogga waxay u diyaarsanyihiin goobaha
In ka Badan 350 Soomaali ah oo Sanadkaan Ka Cararay Waddan Yurub ah!

Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeelada Hoose.

Holwalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow ayaa waxaa ay sigaar ah Ciidamada uga sameeyeen degaanka Cadcadeey ee duleedka fog ee Magaalada Marka, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu qeyb ka ahaa howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM waxaa ay bartilmaameedsadeen goobo lagu tuhmayo inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo baaritaan guri guri ah ka sameeyay.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortegayay weerarada Al-Shabaab, isla markaana uu sii socon doono.

Howlgalkaan Ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Marka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar ay Al-Shabaab weeraraan fariisimaha Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: