Maalintii 2aad & Shirka arimaha Doorshooyinka Soomaaliya

HomeWararka

Maalintii 2aad & Shirka arimaha Doorshooyinka Soomaaliya

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa galay maanta maalintii labaad iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gob

WACAL DAREY AH: Guddiga Gacan Libaax oo beeniyey in saraakiil iyo askar toona aysan ka soo bixin Gacan Libaax
Cabdi Juxa “Waa mar xalad iswaydaaranayaan jiilasha cusub iyo aasaasayaashii Puntland”
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa galay maanta maalintii labaad iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir,

Madaxweyneyaasha GalMudug, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ku sugan xarunta uu shirku ka socdo halka uu Madaxweynaha Hirshabelle uu qadka Fogaan Aragga ugaga qeybgalayo.

Shirka maanta ayaa lagu wadaa in laga dhagaysto qorshayaashooda guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Gabagabada shirka ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro qorshe cusub oo lagu dardargelinayo doorashada la qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo labada bil ee soo socota.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0