Maxay xalay kawada hadleen Qorqoor & laftagareen?

HomeWararka

Maxay xalay kawada hadleen Qorqoor & laftagareen?

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay ku

Giriigga oo dib ugu celiyay Turkiga Soomaali Tahriibayaal ah
Kuuriyada Koonfureed oo Ciidamadeeda kala baxaysa Xeebaha Soomaaliya
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa.

Labada Madaxweyne ee Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Axmed Qoorqoor ayaa kulankooda sidoo kale uga wada hadlay Arrimo ku aadan deegaanada mamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo xoojinta wadashaqeynta labada maamul.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku maqan dalka Turkiga.

Madaxda ayaa ka qeyb galaya Shirka looga hadlayo dardar-gelinta fulinta heshiiskii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo shalay si rasmi ah uga furmay Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: