ITOOBIYA: Tigreega oo la wareegay magaalada Mekelle

HomeWararka

ITOOBIYA: Tigreega oo la wareegay magaalada Mekelle

Jabhadda Tigreega ee TDF oo todobaadyo dagaalo kula jirtay Ciidamada Itoobiya ayaa ugu dambeyn maanta la wareegay magaala madaxda Gobolka Tigray ee Me

Daawo Bilicda Buuraha Santarka Daarimi Ee Degmada Tuli Guuleed, Gobolka Faafan DDS
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 12aad
Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo kasocda Tukaraq

Jabhadda Tigreega ee TDF oo todobaadyo dagaalo kula jirtay Ciidamada Itoobiya ayaa ugu dambeyn maanta la wareegay magaala madaxda Gobolka Tigray ee Mekelle.
Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Eritrea ayaa saacado ka hor isaga baxay magaalada Mekelle iyo hareeraheeda.

Lix bilood ka hor ayay aheyd markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday inay ka adkaatay maamulka Tigreega, kaddib dagaalo culus oo ay ka qeyb qaateen Ciidamada Eritrea.
Dabaal degyo ayaa ka bilowday magaalada Mekelle, iyadoo la arkayay dadweyne isugu soo baxay waddooyinka oo dabaal degaya, kuwaasoo wata calanka Tigray.

Itoobiya ayaa marxalad cusub gashay, la wareegitaanka jabhadda Tigreega ee magaalada Mekelle ayaa ka dhigan awooddii kooxdaas oo dib u soo laabatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: