Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo kasocda Tukaraq

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland oo kasocda Tukaraq

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka socda deegaanka Tukaraq ee goboolka Sool oo 86KM ujirta magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Dagaalka ayaa wararku ay sheegayaan inuu yahay kii ugu waynaa ee labada dhinac ay isku adeegsanaayaa. hubka noocyadiisa kalle duwan.

Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland ayaa BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay inuu jiro dagaalka, waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay laba jiho kasoo weerareen ciidamada Somaliland.

Majiro fahfaahin kusaabsan khasaaraha dagaalka ee labada dhinac, mana jir wax war ah oo kasoo baxay dowladda Puntland oo ku saabsan dagaalka saakay ka qarxay Tukaraq.

Ciidamada Somaliland ayaa 8dii janaayo ee sanadkan la wareegay Tukaraq oo ahayd kastamkii ay canshuuraha ku qaadi jireen ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com