Safiirka Sweden ee Soomaliya oo gaaray Baladweyn (Sawiro)

HomeWararka

Safiirka Sweden ee Soomaliya oo gaaray Baladweyn (Sawiro)

Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya iyo Xubno kale Beesha Calaamka ka socday ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan, hal

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka somaaliya oo shaacisay Kulan Xasaasi ah
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac ,Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
MAANHADAL: Muxuu ka dhigan yahay xisaabtanka Xukuumadeed ee ay wadaan Xildhibaanada Puntland,

Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya iyo Xubno kale Beesha Calaamka ka socday ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan, halkaasi oo Wafdiga ay si weyn ugu soo dhaweyeen maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaya kala duwan ee Bulshada.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxmed Cumar ceymooy iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Wafdiga ayaa ugu horeeyn kormeer ku sameeyay mashaariic horay qeyb kamid ah loo fuliyay halkaas, iyagoo sidokale tagay meelo kale oo ka mid ah magaalada Baladweyne una baahan in Biyo xireeno laga sameeyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: