Dowladda Maraykanka oo xirtay xarumo warbaahineed oo laga leeyahay dalka Iran

Mareykanka ayaa la wareegay xarumo warbaahineed oo laga lahaa dalka Iran iyadoo lagu eedeeyay inay faafinayeen warar been abuur ah.

Shabakado badan oo warbaahineed ayaa hawada laga waayay waxaana lagu arkay calaamado muujinaya inay xirtay dowlada Maraykanka.

Xarumahaa ayaa waxaa ka mid ah TV-ga Iran ee TV-ga Press iyo al-Masirah TV, oo ay maamusho dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jirto xiisad kacsan oo u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan oo ku saabsan dib u qorista heshiiska nukliyeerka.

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Mareykanku la wareegay 33 websayt oo ay maamusho dowlada Iiraan ee Raadiyaha iyo Telefishanka Islaamiga ah (IRTVU) iyo saddex kale oo ay maamusho maleeshiyada Kataib Hezbollah ee ay Iiraan taageerto.

Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in cinwaannada ay adeegsato IRTVU ay leeyihiin shirkad Mareykan ah IRTVU-na aysan ruqsad ka helin Xafiiska Hanti-dhowrka ee Hantida Dibadda ee Mareykanka kahor intaan la isticmaalin. Kataib Hezbollah – oo Mareykanku u aqoonsaday urur argagixiso.

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yaman ayaa xaqiijiyay in la xiray cinwaankoodii almasirah.net.
Iran waxay taageertaa Xuuthiyiinta, oo gacanta ku haysa inta badan galbeedka Yemen, laakiin waxay beenisay inay siiso hub.

Inta badan magacyada domain ee la qabtay waxay ahaayeen cinwaanada .com, .net iyo .tv. Cinwaannada .com iyo .net waa aagag guud oo aan ku koobnayn dal gaar ah.
Dhowr ka mid ah bogagga ayaa dib ugu soo laabtay khadka tooska ah saacado gudahood iyagoo wata cinwaanno cusub. Dowladda Iiraan kama aysan bixin faallo rasmi ah oo ay kaga jawaabeyso tallaabadaas.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com