Madaxweyne Laftagaren oo kulan la qaatay wafdi tagay baydhabo

Madaxweyne Laftagaren oo kulan la qaatay wafdi tagay baydhabo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Aqalka Madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafidi ay hogaamineysey Kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Wafdiga waxaa sisoo kale qeyb ka ahaa Wakiilada midowga yurub, midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kawada hadleen Xoojinta joogteynta xiriirka Wadashaqeyneed ee koonfur Galbeed iyo, xaqiijinta shirka looga balansan yahay 20 bishan in uu ka dhaco Caasimada Dalka ee Moqdisho.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Mxamed laftagareen ayaa uga mahad celiyay wafdiga booqashada ay ugu yimaadeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com