Waare: “Waa Nasiib Daro in lacag gaareysa 35 malyan oo ay fatahaadaha ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka iney xayirtay DFS”

HomeWararka

Waare: “Waa Nasiib Daro in lacag gaareysa 35 malyan oo ay fatahaadaha ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka iney xayirtay DFS”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay wasaarado ka tirsan dowladda Soomaaliya inay xayireen malaayiin dollar

Ciidamadda Dowladda somaaliya oo howlgalo ka sameyeey Muqdisho (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Qardho: Arday dhamaysay quraamka kareemka ah oo abaalmarino la guddoonsiyeey

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeeyay wasaarado ka tirsan dowladda Soomaaliya inay xayireen malaayiin dollar oo loogu deeqay in wax loogaga qabto fatahaadaha wabiga Shabelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa boggiisa Twitterka ku daabacay in lacag ka badan 35 milyan dollar oo Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ugu deeqeen fataahadaha Wabiga Shabelle ay xayirtay dowlada federalka.

“Waa Nasiib Daro in lacag gaareysa 35 malyan oo ay fatahaadaha ugu deeqeen Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ay xayiraan Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha.”ayuu yiri Waare.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle lagana cabsi qabo in degaano kale uu ka fataho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0