Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo ee dalka Uganda?

Muxuu salka ku hayaa safarka  Farmaajo ee dalka Uganda?

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda.
Farmaajo ayaa ka kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isaga oo kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Wafdiga ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com