Kenya oo mamnuucday duulimaadyada dalka Soomaaliya

HomeWararka

Kenya oo mamnuucday duulimaadyada dalka Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya,marka laga reebo arrimaha caafimaadka deg-degga ah iy

GALMUDUG: Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Galgaduud
Shirkada Golis oo internet ugu deeqday Jaamacadaha Puntland (Daawo)
Madaxweynaha Kenya oo qaabilay Muuse Biixi

Dowlada Kenya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada tegeya iyo kuwa ka imanaya dalka Soomaaliya,marka laga reebo arrimaha caafimaadka deg-degga ah iyo duulimaadyada Hay’ada Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadanimada.

Qoraal ka soo baxay agaasimaha duulimaadyada rayidka ee dalka Kenya Gilbert Kibe ayaa lagu sheegay in amarkan uu soconayo illaa iyo 9ka bisha August ee sanadkan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii labada dal ay sheegeen inay dib usoo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed, balse Hay’adda duulimaadka Soomaaliya ay maalin kahor sheegtay inaan la fasaxin khaadka ka imaan jiray Kenya.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: