Taliska Booliska Soomaaliya oo  amar soo saaray

HomeWararka

Taliska Booliska Soomaaliya oo amar soo saaray

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa habeenkii xalay aheyd soo saaray amar ku socda Ciid

Mareykanka, UK iyo France oo duqaymo ku qaaday Suuriya, xiisadda kiimikada
“Hadaanu shacab nahey qabiil marabano qabiil iyo dawladina meel mawada gaalan” Odayasha Garoowe
Muuqaalka Bulshada: Mareykanka oo 28 sano kadib safaaradii Soomaaliya dib ufuray ( dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa habeenkii xalay aheyd soo saaray amar ku socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa waxa uu ku amray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga Shacabka ku sugan Caasimadda dalka ee Mgaalada Muqdisho iyo hantidooda.

Qoraal uu soo saaray Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayuu ku boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si wanaagsan ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa amarka uu soo saaray waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay caasimadda dalka ay jirtay xiisad ka dhalatay muddo kordhintii la sameeyay, ayna Muqdisho ku sugan yihiin Ciidamo farabadan oo kasoo horjeeday arrintaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: