Guddiyada Hergelinta Doorashooyinka oo soo dhoweynayaa go’aamada maanta ay gaareen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Raysalwasaaraha

Guddiyada Hergelinta Doorashooyinka oo soo dhoweynayaa go’aamada maanta ay gaareen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Raysalwasaaraha

Guddiyada Hergelinta Doorashooyinku wuxuu soo dhoweynayaa go’aamada maanta ay gaareen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ee ay ku gaareen in dib loogu noqdo hanaankii doorashada ee ku caddaa heshiiskii 17-Sebteembar-2020.

Wuxuu guddigu u arkaa go’aankaan mid ku soo aaday wakhti muhiim u ah dalka, wuxuuna abuuray xaalad isu Soo dhowaansho, isagoo caddeeyey in dadka Soomaaliyeed awood u leeyihiin in ay xalisan karaan arrimaha dhexdooda yaal.

Ugu danbayn xalka wadanku wuxuu ku jiraa in doorasho loo dareero, Isla markaana ku salaysan 17- Sebtember. guddiguna wuxuu horeba u diyaariyey dhammaan habraacyadii iyo shuruucdii doorashada lagu geli lahaa. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso arintani in ay gacmaha is qabsadaan una guntadaan sidii wadanka doorasho loo wada dhan yahay uga dhici lahayd, si looga kor qaado dadka iyo wadanka culaysyada dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee haysta.
Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com