Guddiga Dib-u-habeynta Ciidamadda Puntland oo Kulan ku Yeeshay Gaalkacyo

HomeWararka

Guddiga Dib-u-habeynta Ciidamadda Puntland oo Kulan ku Yeeshay Gaalkacyo

Gudigga dib-u-habeynta ciidamada Dowladda Puntland oo mudooyinkii danbe hawlo shaqo u joogaya Magaalada Gaalkacyo ayaa manta kulan looga hadlay amniga

Kuuriyada Waqooyi oo gantaalo tijaabisay kana caraysan dhoolatuska Mareykanka iyo S Korea
Maxay ka wada hadleen Rooble, Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed?
Laamaha Amniga oo gacanta kudhigay Ciyaal weero & Qalab ay dadka ku dhibaateen jireen

Gudigga dib-u-habeynta ciidamada Dowladda Puntland oo mudooyinkii danbe hawlo shaqo u joogaya Magaalada Gaalkacyo ayaa manta kulan looga hadlay amniga la yeeshay Masuuliyiin u hoggaaminayo Wasiirka Wasaradda Amniga Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ah Gudiga Amniga Gobolka Mudug ee labad dhinac ujeedka shirka ayaa salka ku hayay xoojinta ka shaqeeynta amniga iyo sidii ciidamadu ay uga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta nabad galiyada.

Shirka ayaa intii u socday waxaa la isla meel dhigay qaabka ugu wanagsan ee labada dhinac ay uga qeyb qaadan lahaayeen kor u qaadista amniga iyo sidii loga hortagi lahaa ururada nabaddiidka ah.

Uga danbeyntii shirka markii u soo dhamaaday waxaa Warbahiinta si-wadajir ah ula hadlay Wasiirka Wasaradda Aminga Puntland iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug waxayna ka warbixiyen waxyabii shirka looga hadlay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: