Warbixinta Soomaaliya ee Covid-19

HomeWararka

Warbixinta Soomaaliya ee Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay

Saaka & Dunida iyo Xasan heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Tartanka Ciyaaraha degmooyinka gobalka Bari & Sanaag oo si habsami leh Bosaso uga socda (Sawiro)
RW khayre oo la kulmay Jaaliyadda Somaaliyeed ee Dalka Norwey

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray 1176 ruux.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay 11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Cudurka COVID-19 ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: