Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fariir udiray DFS iyo Dowlad Goboleedyada

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fariir udiray DFS  iyo Dowlad Goboleedyada

Laba Xubnood oo kamid ah Shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku leh codka qaxayan ayaa farrin loogu hanjabayo Madaxda dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada soo gaarsiiyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Xubnaha ka tirsan shanta dowladood ee Golaha Ammaanka ay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble soo gaarsiiyeen inay cunaqabateyn saari doonaan cidii tanaasul iyo dabacsanaan la xiriirta doorashada imaan weydo.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen dhawaan waxaa Warbixino la xiriira khilafka doorashada Somaaliya waxaa u gudbiyay Wakiilada Beesha Caalamka, taas oo aheyd inay gacanta ka taageen xalka garista khilaafka doorashada Soomaaliya.

Warar todobaadkii hore soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay cadaadis la xiriira inay kulmaan saartay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa kulan aan wax horumar ah laga gaarin uu Teendhada Afisiyooni uga qabsoomay Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com