MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA CUSUB EE BOQORTOOYADA INGIRIISKA (SAWIRO)

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA CUSUB EE BOQORTOOYADA INGIRIISKA (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Danjire Kate oo Madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com