James Swan: “Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka”

James Swan: “Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka”

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadineysaa haweenka Soomaaliyeed kaalintooda mugga leh ee ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxayna ku baaqeen in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabo cad si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgal buuxa oo haweenku ku yeeshaan dhammaan qaybaha nolosha.

“Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Wadahadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed.”

Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’. Iyadoo Soomaaliya ay la kulantay mowjad cusub ee cudurka saf-marka ah ee COVID-19, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay qirayaan dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada.

“Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haweenka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku si xad-dhaaf ah u saameeyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay wajahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordheysa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-hortaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan adeegyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada, ”ayuu yiri Md. Swan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com