ILHAAN CUMAR: “Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman” (Akhriso)

HomeWararka

ILHAAN CUMAR: “Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman” (Akhriso)

Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa Talaadadii shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose

Booliska Khaatumo oo taarigada Somaliland ka furaya gaadiidka Laascaanood
Maraykanku la Dagaalanka Argagixisada Geeska Afrika uma Baahna Garabka Itoobiya
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa Talaadadii shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Ilhan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilkii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamal Khashoggi, sannadki 2018-kii.

Bayaan ay shalay soo saartay, ayay Ilhan ku tiri: “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka”

Mareykanka ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salmaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: