Ciidamada PSF & PMPF oo howlgalk ka dhacay Galgala kusoo qabtay xubno lagu tuhunsanyahay Al-shababa (Akhriso)

Ciidamada PSF & PMPF oo howlgalk ka dhacay Galgala kusoo qabtay xubno lagu tuhunsanyahay Al-shababa (Akhriso)

Ciidamada PSF iyo PMPF ayaa si wada jir ah hawlgal uga fuliyey degaanada #Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow, hawlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo afjari lahaa xubno ka tirsan Al Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure,Balikhadar iyo Galgala.

Hawlgalkan oo si guul leh ugu soo dhamaaday ciidamada ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Ciidamada difaaca Puntland way sii wadi doonaan gulufkooda ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddan ka caaggan falalka argagixisanimo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com