Saraakil ka tirsan Alshabaab oo howlgal lagu qabtay

HomeWararka

Saraakil ka tirsan Alshabaab oo howlgal lagu qabtay

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howgal qorsheysan ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobol

Ciidamada liyuu Boolis oo dilay dad Shacab ah & xiisad ka dhalatay
Wasiirka duulista ee Soomaaliya oo maanta hortagaya aqalka sare ee baarlamaanka
RW Xamse oo gaaray Baladweyne

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howgal qorsheysan ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Shabeelloyinka iyo Hiiraan.

Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan ayaa shegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo aay Gobolada Hiiraan & Shabeellooyinka ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Taliyaha in Ciidamada DANAB ay howlgalka ku qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah, Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali , Madixii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcade Cali Cabdulle Jilacow, iyo Madixii Sakawaadka Al-Shabaab ee Gobolada Shabeelloyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Ugu dambeyn Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan waxaa uu sheegay in Ciidamada DANAB ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay weli ku sugan yihiin ee gobolada dalka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: