Taliyaha Ciidanka DFS oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil Ciidan

Taliyaha Ciidanka DFS oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil Ciidan

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada booliska ee ka howlgalla halkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta howlaha sugida Amniga Magaalada Dhuusaamareen iyo tuulooyinka hoostaga maadaama la filayo in Magaalada ay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.

Taliyaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu saraakiisha u sheegay in uu maridoono Dowlad Goboleedyada dhiman si loo hubiyo amniga.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaarayaa la filayaa in uu tago degaannada kale ee dowlad Goboleedyada dalka kajira, isaga oo kulamo la qaadan doona madaxda dowlad Goboleedyada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com