Wasaaradda caafimaadka Puntland oo yareysay khidmadda bixinta shahaadada badqabka COVID-19

HomeWararka

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo yareysay khidmadda bixinta shahaadada badqabka COVID-19

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland oo ka duulaysa falcelinta bulshada reer Puntland ee khidmada baaritaanka iyo helidda shahaadada badqabka xanuu

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka oo sheegay inay Alshabaab kala Wareegen degaano dhowr ah
Dawlada Soomaaliya oo dhegaha ka furaysatay arday ku xaniban Chinaha (daawo)

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland oo ka duulaysa falcelinta bulshada reer Puntland ee khidmada baaritaanka iyo helidda shahaadada badqabka xanuunka COVID-19 ee muwaadiniinta u safraysa dibbada, ayaa go’aamisay in la dhimo khidmaddaas lagana dhigo 35 dollar halka ay marki hore ay ka ahayd 50 dollar.

Wasaaradda oo ka jawaabaysa balanqaadkeedii ahaa inay hoos udhigi doonto khidmada shahaadada baaritaanka si bulshada ay u helaan adeeg wanagsan uguna helaan sida ugu sahlan ayay waxay hoos udhigtay khidmada laga qaado dadka qaadanaya shaahada badqabka Covid19 una safraya dalka dibadiisa. Waxaa hoos udhigidaan sababay sidoo kale marka wasaaraddu ay raadisay soona iibisay dawada baaritaanka.

Wasaaraddu waxay bulshada xasuusinaysa in khidmada laga qaado muwadiniinta lagu daboolo kharashaadka kala duwan ee shaybaarka iyo shaqada baaritaanka sida qalabka, agabka shaybaarka iyo wixii la mid ah. Waxay dowladdu ka shaqaynaysa sidii loo sii yarayn lahaa khidmada baritaanka iyo in bulshada reer Puntland helaan adeeg baaritaan oo jaban ama lacag la’aan ah. Waxay wasaaraddu sido kale bulshada u balanqadaysa in muwaadiniintu helaan adeeg baaritaan oo dhamaystiran kaas oo tayadiisa lagu hubiyey halbeegyada caalamiga ah (international standards).

Waxaa xusid mudan in baaritaanka, daawaynta iyo dhamaan adeegyada kale ee la xiriira COVID-19 ee bukaanadu yihiin lacag la’aan, si toos ahna ushaqeeyaan shaybaarada Boosaaso, Garowe iyo Galkacyo laguna hawl jiro in inta badan gobolada laga furo shaybaarada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: