Ra’iisul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Beeraha

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xariga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Beeraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib-u-dhis i

Maxamed Darbad: “Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) waxaa ka socda xasuuq lamid ah kii Ruwanda” (dhegayso) 
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Maamulka gobalka Hiraan oo amray in ciidamo la dhex dhigo maleeshiyo beleed dagalamay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay.

Xarunta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo ku burburtay dagaalladii dalka ka dhacay ayaan lagu shaqeyn muddo dheer , waxuna Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyey masuuliinta iyo shaqaalaha Wasaaradda dib u dhiska xarun muhiim u ah dowladnimada.

Eng. Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto beeraleyda Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaata koboca iyo wax soo saarka dalka, maadaama la howlgaliyey xarunta wasaaradda beerahana ay soo laaban doonto doorkeeda kaga aaddan horumarinta beeraleyda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay maalinta beeraleyda Soomaaliyeed, guud ahaan beeraleyda dalka, isaga oo ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan horumarinta wax soo saarka beeraha.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: