Madaxweynaha Koonfur galbeed oo kulan la yeeshay xubno ka socda DFS

HomeWararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo kulan la yeeshay xubno ka socda DFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Cali Saci

Daahir Geele: ”Farmaajo Maanta wuxuu ku fashilmay kulan Mudo kordhin lagu samayn lahaa”
Xaflad arroos oo duqayn loo gaystay ay ku geeriyoodeen afartan qof
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Wasaaraddaha Qorshaynta iyo Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliyo oo Baydhabo usoo gaaray ka qeybgalka Daahfurka Shirka looga Hadlaayo Arimaha Abaaraha.

Xubnaha wafdiga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi ayaa maanta Magaalada Baydhabo uga qeyb galay barnaamij lagu daahfurayay kasoo kabashada Xasaradaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisey Wasaarada qorsheynta koonfur galbeed .

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galey Wasiirka qorshynta koonfur galbeed, qaar ka mid ah Wasiirada, Gudigga mashruuca Xasaradaha iyo Agaasimayaasha guud ee wasaradaha qarkooda.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: