ingineer Caan ka ahaa Geeyiga somaalida oo Dalka Maraykanka ku geeriyooday (dhegayso)

ingineer Caan ka ahaa Geeyiga somaalida oo Dalka Maraykanka ku geeriyooday (dhegayso)

Allaha u naxariiste waxaa dalka Maraykanka ku geeriyooday Ingineer Maxamuud Maxamed Cali (Cadami) oo horey xilaal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Cadami wuxuu ahaa Ingineerkii gacanta ku hayeey Mashruuca Warashadii Sonkorta ee Mareerey iyo Biyo xireenkii shiinuhu hirgaliyeey ee Balcad,sido kale Wuxuu dhalay Marxuumka Dr Hodan oo Caan ka ahaa Dalka Maraykanka.

Ingineer Cadami ahaa kamid ahaa Aqoonyahanada taarikhda fog ku leh somaaliya,wuxuuna ku dhintay shalay Magaaladdda Atlaanta ee dalka Maraykanka kadib markii gaari uu ku jiiray Wado uu lugeynayeey.

Axmed Maxamed Cali Qodax (Axmed Raadsato) oo ah Walaalka Marxuumka oo ku sugan dalka Kuwait ayaa Radio Daljir uga waramay Taarikhda Marxuumka ,Wariye Maxamed Lakiman ayuu u waramay.

Hoos kaga bogo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com