RW Rooble oo la kulmay Guddi ka shaqeeya Hormarinta dhaqaalaha dalka

RW Rooble oo la kulmay Guddi ka shaqeeya Hormarinta dhaqaalaha dalka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddi hosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkeenna.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com