Muqdisho: RW Rooble oo kulamo kala duwan ka wada Caasimadda

HomeWararka

Muqdisho: RW Rooble oo kulamo kala duwan ka wada Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo gaar-gaar ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dawlad

Mid kamid ah Gabdhaha Badhan Sanaag: “Takuladii 2-aad ayaan wadnaa”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Warbixinta NISA waa mid lagu marin habaabinayo qaraxii Muqdisho iyo fashilka NISA”
Heritage :In ajaanib ay dhex gasho madaxda Soomaalida, waxa ay fursad siin karta, danley shisheeye oo mushkiladda daraf ka noqota

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo gaar-gaar ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad, Hirshabeelle iyo siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulamadaan oo ka qabsoomay hoyga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiradda lagu saaray, sidii looga wada shaqayn lahaa , arrimaha Hortabinta leh ee ku salaysan marxalada uu dalku ku jiro sida in Doorashooyinku ay ku qabsoomaan si daah furan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyin ku saabsan fikirkooda ku aaddan sidii looga wada shaqeyn lahaa Arrimaha Amniga dhaqaalaha , Doorashooyinka oo dhamaan mudnaanta koowaad u leh Ra’iisul wasaaraha, waxa ayna ku bogaadiyeen sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu Sameeyo horumarka dhinac kasta leh oo ku dhisan fikir wadaag.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: