HomeUncategorized

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo mudo labo maalmood ah la xiri doono.

Muqdisho, Feb 21 2017-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Arbacada ka dhici doonta Magaalada Muqdisho.

Shil gaari oo ay ku dhinteen 10 qof ayaa ka dhacay duleedka degmada Xarfo.
?Kalluumaysatada Caluula oo ka cabanaya ciidanka la dagaalanka burcad-badeeda ee US & Europe.
War-saxaafadeed-Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Muqdisho, Feb 21 2017-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Arbacada ka dhici doonta Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in si aad ah loogu diyaar garoobay caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ismaaciil Cabdi Macalin (Guure), gudoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ayaa sheegay berri oo Talaado ah iyo Arbacada in wadooyinka Muqdisho loo xiraayo Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay dulqaataan.

Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota Afrika.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: