HomeUncategorized

War-saxaafadeed-Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Kismaayo, Dec 08 2016-Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya waxaa saaka Shir Gudoomiyaya Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaana kazoo qayb galay inta badan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn.

Ardayda jaamacada Muqdisho, faraca Boosaaso oo saaka uu u bilawaday imtixaankii ugu badmeeyey ee semisterka 2-aad ee 2010/2011.
Labo qof oo lagu dilay Bossaso iyo mid kale oo lagu dhaawacay; bilayska oo ku raad-jooga raggii falkaasi gaystay.
Dr. Faroole ?hala fududeeyo dhismaha maamulada dalka iyo hir-gelinta federaalka?(Dhegaysi+sawirro)

Kismaayo, Dec 08 2016-Shirka Golaha Wasiirada Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya waxaa saaka Shir Gudoomiyaya Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaana kazoo qayb galay inta badan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn.

Wasaarada Amniga ayaa soo bandhigtay qorshaha tayaynta Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka oo ay kamid tahay kordhinta Mushaaradka iyo gunooyinka ay Askartu qaatan iyadoo Golahu uu ka dooday waxaana la isku raacay in la kordhiyo mushaaradka ay qaatan Ciidamada gaar ahaan Hay’adaha amaanka iyadoo qorshahan loo gudbin doono Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

Wasaaradaha kala ah Hawlaha guud iyo dib u dhiska, iyo Wasaarada Qorshaynta ayaa iyana soo gudbiyay qorshe hawleedka Sanadka Cusub ee inagu soo fooda leh si looga dodo inta uunan dhamaan sanadka 2016 kadibna aysan hawlaha Dowladu u istaagin gaar ahaan arimaha Qorshaynta.

Sidoo kale Golaha waxaa ay soo bandhigeen waxyabaha laga yeelayo xubnaha Golaha ee Safarada ama socdaalada aan la qorshayn dalka kaga maqan iyadoo hab raaca Golaha uu qabo in xubin kamid ah Golaha Wasiiradu uuna maqnaan Karin Sadex kulan oo isku xiga hadii aysan jirin Hawlo shaqo oo uu Dowlada ugu maqan yahay ama arimo gaar ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: