Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soom

Jiif Caaqil Cabdirisaaq Jaamac Cabdi Bile oo si kulul uga hadlay xirxirka shacabka Laascaano iyo guulaha dagaal ee ciidamada Puntland
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan argagixisada Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.
Maamullada Gobalka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo oo soo Dhaweyn Ballaaran u Sameeyay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka Dowliga ah iyo horumarka socda.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyey marxalada dalku marayo, Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Dowladda Puntland ku bixinayso in ay Dalka ka dhacdo Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Golaha joogtada ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: