Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka Dowliga ah iyo horumarka socda.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyey marxalada dalku marayo, Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Dowladda Puntland ku bixinayso in ay Dalka ka dhacdo Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Golaha joogtada ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com