Galmudug oo Gaalkacyo ka bilowday howlgalo amniga lagu xaqiijinayo

HomeWararka

Galmudug oo Gaalkacyo ka bilowday howlgalo amniga lagu xaqiijinayo

Ciidanka Booliska & Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa Magaalada gaalkacyo qeybta Galmudug ka bilaabay howlgallo lagu sugayo Ammaanka, kaas oo laga sa

AFGOOYE: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay saraakiil katirsan ciidamada DFS
Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Nugaal oo Shaqadii laga joojiyey
AKHRISO-Heshiiskii Dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga

Ciidanka Booliska & Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa Magaalada gaalkacyo qeybta Galmudug ka bilaabay howlgallo lagu sugayo Ammaanka, kaas oo laga sameynayo wadooyinka dhex-mara Magaalada.

Howlgalka ayaa ah mid ka dhan ah gadiidka leh muyaaradaha madoow ee beensalka loo yaqaano,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud loogana warqabo cidda saaran gaadiidkasta oo soo gala magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid ka dhan ah gaadiidka Muraayadaha madow iyo dadka wata hubka sharci darrada ah.

Waxaa uu sheegya in intii ay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ku jireen howlgalka ay soo qabteen dad Magaalada Gaalkacyo ku dhex watay hub sharci darro ah, isla markaana dadkaasi la maxkamdeyn doono

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0