Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo xariga ka jaray waddo muhiim u ah shacaka Gaalkacyo

HomeWararka

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo xariga ka jaray waddo muhiim u ah shacaka Gaalkacyo

Gudoomiyaha baarlamaanka galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta

MAREYKANKA OO DIGNIIN ADAG U DIREY MADAXWEYNE FARMAAJO (daawo)
Wiil Dhalinyaro ah oo Farriin Muhiim ah u Diray Madaxweynaha Dowladda Puntland (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 28aad

Gudoomiyaha baarlamaanka galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta cagaarweyne ilaa hotel five star taas oo dhawaan uu dhagax dhigay madaxweynaha puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

xarig jarka waddadaan laamiga ah oo lagu dhisay mashruuca nabada iyo is dhaxgalka magaalada gaalkacyo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano ka kala socday puntland iyo galmudug,masuuliyiinta gobalka iyo kuwa degmada Gaalkacyo ee laba dhinac iyo qaybo kamid ah saraakiisha ciidamada amaanka .

ku xigenka duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraman_Maxamed iyo gudoomiyaha Dagmada galkacyo ee puntland Saahid Maxamed Cali ayaa xarig jarka kadib waxa ay warbixin ka siiyeen gudoomiyaha baarlamaanka galmudug mashariicda hormrineed ee ka socda magaalada gaalkacyo.

Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa kula dar daarmay in bulshada labada dhinac ay ilaaliyaan nadaafada iyo bilicda wadooyinka isagoo sidoo kale uga baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amanka.

“Waxaan bulshada uga baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo sidoo kale inay ka shaqeeyaa nadaafada iyo bilicda wadooyinka maadaama ay dhismayaasha wadooyinka ay soo kordhinayaan isdhaxgalka bulshada iyo ganacsiga ayuu yiri guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: