Mahdi maxamed Guleed oo la kulmay guddiga baaraya dhacdadi xabsiga Dhexe

Mahdi maxamed Guleed oo la kulmay guddiga baaraya dhacdadi xabsiga Dhexe

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com