Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray dhismayaasha afar wasaradood

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kormeeray dhismayaasha afar wasaradood

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay Dhismaha Xurunta Madaxtooyada ee cusub iyo Afar Wasaaradood oo Dhismahoodu ka socdo Caasimada Galmudug ee Dhuusomareb.

Kormeerkan Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehlinayey wasiiro ka tirsan Xukumadda iyo Maamulka caasimada.

Injineerada gacanta ku haya Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha shaqada socota iyagoo sheegay in bisha September sanadkan 2020 aay soo dhammaandoonto.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha DGM ayaa u Mahad celiyay Shirkadaha iyo wasaaradda Howlaha Guud ee gacanta ku haya Dhismaha xarumahan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com