Golaha Wasiirada Jubbaland oo Amar culus la dul dhigay

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Amar culus la dul dhigay

Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in Xafiiska xeer Ilaaliyaha lagu wargaliyo heshiisyada ay galayaan Hay’adaha Dowliga ah ee Maamulkaas.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Saciid ayaa sheegay in dhamaan Hay’adaha kala duwan ee Jubbaland ay waajib ku tahay inay Xeer ilaalinta lasoo marsiiyo heshiisyada ay galayaan.

Waxaa uu sheegay in arrintaan ay muhiim u tahay in dabagal lagu sameeyo si loo hubyo, isla markaanaa ay yihiin kuwo sharci ah oo uu dhigayo qodobka 64aad ee Dastuurka Jubbaland ee ku saleysan ilaalinta Hantida Dowladda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Saciid waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in maranaba aysan jiri karin in la galo heshiisyo ku saabsan Hantida Danta guud, iyada oo aysan la socon Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Jubbaland.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sidoo kale Xubnaha Golaha wasiirada Jubbaland laga doonayo inay Xeer ilaainta u soo gudbiyaan hadii ay jiraan heshiisyo ay horay u galeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com