Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wafdi shalay gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wafdi shalay gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo si hayaha xilka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Somaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

Xubnaha Wafdiga si hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Somaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay halkaasi u tageen qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweyne Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka.

Barnaamijka Baxnaano oo Dowladda Soomaaliya ku taageeereyso dadka danta yar ayaa Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada uu sheegay in si isku mid ah ugu socdo dhammaan Dowlad-Gobolleedyada Dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com