Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddi magacaabay

HomeWararka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddi magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo

Qardho: Maanka Dadwaynaha iyo Mikroofanka Daljir (dhegayso)
Safiirka Maraykanka ee Soomaliya oo gaarey Hargeysa.
Maamulka Jubaland oo isku shaandhayn sameeyey (akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug, kaas oo qabsoomay 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahayd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, shaqada guddigan ayaa ah in uu kasoo shaqeeyo hannaanka Doorashooyinka Dalka.

Hadaba Madaxweynaha Dowladda Jubbaland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Jubbaland

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: