Guddoomiyaha gobalka Banaaadir faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay guri kusoo dumay Xamarweyne

Guddoomiyaha gobalka Banaaadir faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay guri kusoo dumay Xamarweyne

Dad badan ayaa laga soo badbaadiyay Guri dabaq ah oo kusoo dumay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ka dib markii gurmad ay sameeyeen Kooxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay guri qadiimi ah oo ku yaalla degmada Xamar Weyne.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in illaa lix ruux dhaawac looga soo saaray dhismaha dumay, kaasoo mid ka mid ah uu dhaawiciisa culus yahay.

Waxa uu sheegay in dadkaasi loo qaaday, isbitaallada Muqdisho, islamarkaana halkaasi lagu dabiibaayo Xaaladooda.

Sababta ayuu ku sheegay Gudoomiye Cumar Finish in ay tahay roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’aayay Magaalada Muqdisho oo sameyn ku yeeshay degmada Xamarweyne.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com