Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo qaabilay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka

HomeWararka

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo qaabilay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaanka dhaqanka beellaha Muqdisho ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madasha ee Muqdisho. Guddoomiyaha Madasha

KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND SOO KAAF & KALADHEERI MA AHAN!
Camay: Aaway Maxaabiistii Al-Shabaabka ee aan Federaalka iyo Hay’adda Elman ku Wareejinay?
Caarre intee Ceerigaabo u jiraa? (dhegayso)

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaanka dhaqanka beellaha Muqdisho ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madasha ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale looga hadlay Shir dhawaan Muqdisho uga furmi doona Mid ka mid ah beellaha degan Muqdisho.

Shirka ayaa ku soo gababgaboobay jawi farxad leh iyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danaha guud ee dadka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: