Kooxda Alshabaab oo dishay xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabele

HomeWararka

Kooxda Alshabaab oo dishay xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabele

Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeele ayaa la dilay kadib marki kooxda alshabaab gaarigiisa ay kala dageen sida ay shegayaan goobjogayaal. Mid

Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur “Waxaa jira khilaaf siyaasadeed hadii aan xal loo helin doorsho dhici mayso
Siciid Muumin:”Dowladda Puntland waa in ay caddeyso cidda leh mas’uuliyadda xadgudubyada ka dhacay Boosaaso” (daawo)
Maqaal: Somaaliya oo soo Ceshatay Dowladnimadii

Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeele ayaa la dilay kadib marki kooxda alshabaab gaarigiisa ay kala dageen sida ay shegayaan goobjogayaal.

Mid kamid ah Carruurta uu dhalay Xildhibaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay,waxaana la sheegay inay ku dileen degaanka yaaqle oo kaid ah degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa saaka Gaari kasoo raacay Magalada Jowhar, isaga oo kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho,hayeeshee waxaa la sheegay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gaariga kala dageen xilli uu marayay duleedka Tuulada Gololeey oo ku taalla wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar & Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaankii saaka gaariga lagala degay ay dileen, iyada oo weli aysan ka hadlin Madaxda Maamulka Hir-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: