Ciidamada Booliska oo rasaas ku kala eryay dad isugu soo baxay fagaaraha daljirka dahsoon

Ciidamada Booliska ayaa goor dhow rasaas ku kala eryaya dad isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon oo dhigi lahaa banaan bax looga soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaan baxan oo qaban qaabadiisa la hadal hayay tan iyo xalay ayaa la sheegay inuu yahay mid hordhac u ah banaan baxyo ay qorsheynayaan inay Muqdisho ka dhigaan Mucaaradka dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in dad aan sidaa u badneyn oo soo gaaray fagaaraha Daljirka Dahsoon ay ku dhawaaqayeen dooni meyno iyo erayo kale, sidoo kale waxaa ay wateen dadkaas boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo looga soo horjeedo muddo kororsi dowladdu ay sameysato.

Ciidamada Booliska oo goobta yimid ayaa dadka isugu soo baxay ku riday rasaasta ka dhacda qoriga Dhashiikaha, waxaana uu u muuqdaa mid lagu kala erynayo dadka isugu soo baxay, si aanay u banaan bixin.

Diwaanka wararka
Rdaio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com