Bannaanbaxyada Muqdisho iyo Barnaamijyada salka u ah ee kiciddooda ku soo beegay xilligaan.

Bannaanbaxyada Muqdisho iyo Barnaamijyada salka u ah ee kiciddooda ku soo beegay xilligaan.

Haddaba bannaanbaxayada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxay ahaayeen kuwo aan saadaal ahaan horay u muuqan, maalin qurana soo ifbaxay, waxaa ka sii horraysay khudbaddii madaxweyne Maxamed cabdillaahi Farmaajo uu ka jeediyey labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya oo laftigeed muddo daqiiqado ah buuq hareeyey kadib markii xubno ka mid ah Baarlamaanka ay ay qaylo iyo sawaxan bilaabeen waxyar kadib markii khudbadda madaxweynuhu ay bilaabatay, taasoo markii dambana lagu guulaystay in la damiyo, madaxweynuhuna uu dhammaystirto khudbaddiisa.

Ciismaan Yuusuf Xaraare oo ka faallooda arrimaha siyaasadeed, horayna u soo noqday mudane Baarlamaanka dawladda dhexe ah ayaa hadal uu jeediyey maanta uga hadlay bannaanbaxyada maanta dhacay iyo buuqii shalay ee fadhiga Baarlamaanba waxa kiciyey ama ay daarranyihiin, waxaana uu ku horraynayaa Buuqii shalay ee kulanka Baarlamaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com