Maamulka Galmudug oo maanta lagu warejiyeey gaadid Ciidan (Sawiro)

HomeWararka

Maamulka Galmudug oo maanta lagu warejiyeey gaadid Ciidan (Sawiro)

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wareejiyay maanta gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku dhow boqol kuwaasoo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo. Muna

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Diyaarad Xamuul oo ku Dhacday Magaalada Garbahaarey
Xaaalada Magaalada Jigjiga oo dagan iyo Madaxweyne Cabdi Maxamed Oo aan laogayn halka uu kusugan yahay

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wareejiyay maanta gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku dhow boqol kuwaasoo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

Munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen Odoyaal dhaqameedka ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaas ayaa si rasmi loogu wareejiyey gaadiid gaaraya 5 gaari oo qoryaha dagaalku ay saaran yihiin iyo Ciidankii saarnaa oo gaaraya 83 askari.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey isxilqaanka odoyaasha dhaqanka iyo taageerada ay u muujiyeen dawlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu adkeeyey in Ciidaamadaan iyo gaadiidkoodaba ay mas’uuliyadiisa la wareegtey wasaaradda Amniga Gudaha, ayadoo lagu xarayn doono Dugsiga tababarka indha-qaris.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0