Cabdi Tahliil oo lagu Aasay Maagaaladda Muqdisho

Cabdi Tahliil oo lagu Aasay Maagaaladda Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta lagu Aasay Alle ha u Naxaristee fanaankii Caanka ahaa ee Hobolada Waaberi Cabdi Tahliil Warsame,kaas oo muddo ku xanuun sanayaya Magaalada Muqdisho, hayeeshee xalay geeriyooday.

Khabuuraha Dugsiga Tababarka ee iskuul Bulusiya ayaa lagu Aasay meydka Fanaan Cabdi Tahliil,waxaana ka qeyb galay Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed, Qoyskiisa iyo qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xubnaha Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo hadalo ka jeediyay goobta aaska ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa Cabi tahliil Nin qaali ah oo ka baxay Fanka Soomaaliya,iyaga oo Alle uga baryay in Naxariista Janno uu siiyo.

Sidoo kale Fanaaniinta ka qeyb galay Aaska ayaa waxaa ay uga tacsiyadeeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelladiisa Fanaankii Caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo Muqdisho ku geeriyooday.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay Geerida xanuunka badan ee ku timid Fanaankii Caanka ahaa ee Hobolada Waaberi Cabdi Tahliil Warsame oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho waxaana ay Allah uga barisay Ehelka marxuumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Cabdi Tahliil uu ahaa Faaan Qaran oo Qiimo iyo Sumcad ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay xanuunka la qeyb sanayaan Qoyska uu ka geeriyooday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com