Somaliland oo ku dhawaaqday kisaas cusub oo Covid-19 ah

HomeWararka

Somaliland oo ku dhawaaqday kisaas cusub oo Covid-19 ah

Soomaaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey

C/raxmaan C/shakuur “Al-Shabaab waxay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Dakhliga”
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
WAA MAXAY FARQIGA U DHEXEEYA FARMAAJO IYO XASAN SHEEKH? | WARAYSI RUQIYO ADAN SAMATAR

Soomaaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 80 qof balse cudurka laga helay 18 ruux,kuwaas oo kala jooga 15 qof Magaalada Hargeysa iyo 3 Ruux oo Boorama ku sugan,kuwaas oo ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay isugu jiraan 10 Rag ah iyo 8 Dumar ah,kuwaas oo da’dooda u dhaxeyso 9 jir ilaa 80 Sano jir halka ay Cudurka ka bogsadeen 6 Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 376 Ruux 54 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 Ruux ay u geeriyoodeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: